Qaar ka mid ah Waddooyinka Magaalada Muqdisho oo Xiran

Waxaa Saaka xiran qaar badan oo ka mid ah waddooyinka Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, waxaana la arkayaa Ciidamo aad u badan oo lasoo dhoobay waddooyinka.

Waxaa waddooyinka lasoo dhoobay Ciidamada Madaxtooyada ee loo yaqaanno Koofiyada Gaduuda.

Ciidamada ayaa gaadiidka dadweynaha u diidaya inay isticmaalaan waddooyin ay ka mid yihiin kuwa gala Madaxtooyada, waxaana Saaka Magaaladu ku waabarisiatay Xirnaashaha waddooyinka.

Sababta ugu weyn ee ay u xiran yihiin waddooyinkaan ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu Ubax dhigayo taalada SYL maadaama Maanta ay ku beegan tahay 15-ka Bisha May Maalintii la Aas’aasay Dhalinyarada SYL.

Ammaanka guud ayaa si weyn loo sugayaa, waxanaa waddooyinka lasoo dhoobay Ciidamo faarbadan, sidoo kale maanta waxaa ay ku beegan tahay sanad guuradii kasoo wareegatay Markii talada dalka uu la wareegay madaxweynaha talada haya Xasan Sheekh maxamuud.

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor