Sawirro:-Ra’iisul Wasaare Kheyre oo xariga ka jaray Saldhig uu Turkiga ka dhisay Muqdisho

Xasan Cali kheyre Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyada Soomaaliya iyo taliyaha Guud ee Ciidamada dalka turkiga Hulusa Akar ayaa Maanta waxa ay siwadajir ah xariga uga jareen Saldhiga Cusub ee dowladda Turkiga ay ka dhistay Magaalada Muqdisho.

Munaasabad xarig jarka ayaa lagu qabtay Gudaha Saldhiga oo ku yaalla deegaanka Jaziira, waxaana Munaasabadaas sidoo kale Goobjoog ka ah Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya iyo mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Saldhigaan ayaa dowladda Turkiga waxa ay ugu talo gashay in ay ku tababarto ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya, waxana la sheegay in markiiba uu qaado in ka badan Kun iyo Shan Boqol oo Askari.