Gelinkii dambe ee Maanta xildhibano ka tirsn Baarlamaanka Maamulka Galmudug waxa ay kulan ay yeesheen ay sheegen in xilkii ka qaadeen madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf sidoo kale waxaa ka horeeyay xildhibaano kale oo sheegay in ay mooshin ka keeneen Gudoomiyah Baarlamaanka Cali Gacal Casir.
Hadaba gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee baarlamaanka Maamulka galmudug Xareed Cali Xareed oo la hadlay Dalsan ayaa marka hore ka hadlay xildhibaano uu sheegay in ay u soo gudbiyeen mooshin y ka wadaan gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.
Sidoo kale waxa uu  sheegy in uusan waxba ka jirin warkaas isla markaana uu ku arkay Baraha ay Bulshada ku wada xiriirto ee Facebook sida uu hadalka u dhigay.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Gudoomiye ku xigeenka oo dhamestiran.