Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka oo Madaxa EUCAP-SOM kala hadlay A/Cadaaladda dalka

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa magaalada caasimadda ah ee Muqdisho kula kulmay, madaxa xafiiska EUCAP-SOM ee Soomaaliya Mr. Kauko Aaltoma.

Labadda mas’uul ayaa ka wadahadlay sidii xafiiska Xeer ilaalinta guud ee Qaranka iyo Xafiiska EUCAPSOM ay isaga kaashan lahaayeen, kor u qaadidda, daadajinta iyo sidoo kale helidda adeegyada cadaaladda dalka.

Sido kale  labadda mas’uul ayaa isla soo qaaday sidii kor loogu qaadi lahaa qorshaha tayeynta xirfadaha shaqo ee howlwadeenadda xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka.

Daadajinta adeegyada caddaladeed iyo tayaynta xirfadda hawl-wadeennada xeer ilaalinta ayaa ka mid ah hawlaha hortabinta u leh xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyadoo ujeeddadeedu tahay sidii shacabka loo gaar siin lahaa adeeg hufan, tayo leh oo loo siman yahay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor