Sawirro:-Cali Guudlaawe oo la kulmay Musharixiinta Madaxweynaha Hir-Shabeelle

Magaalada jowhar ee Xarunta Maamulka Hir-Shabeelle waxaa Maanta kulan ku yeeshay Masuuliyiin ka tirsan Maamulka hir-Shabeelle iyo madax ka socotay Urur Goboleedka IGD.

Kulanka ayaa waxaa Goobjoog ka ahaa Masuuliyiin ay ka mid ahaayeen Siihayaha Xilka madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku Xigeenka Hirshabeelle,Gudoonka Baarlamaanka, Gudiga Doorashada Madaxweynaha,Wasiiru dowlaha Wasaarada Arimaha Gudaha, Qaarka mid ah Xildhibaanada Labada Aqal ee Kasoo jeeda Hirshabeelle,Saraakiil ka socota Urur Goboleedka IGAD iyo Musharixiinta U tartameyso Xilka Madaxtinimada Hirshabeelle.

Ujeedada kulanka ayaa waxaa ka mid ahaa sidii looga wada Shaqeyn lahaa amniga iyo sidoo kale Mudada 4 Cisho ee lagu daray Waqtiga Doorashada inay Musharaxiinta isu sii diyaariyaan iyo in laga wada shaqeeyo Horumarka Maamulka Hirshabeelle.

Hoos Ka Daawo Sawirrada Kulanka