Wafdi Wasiiro ah oo uu horkacayo Wasiirka amniga Maamul goboleedka Soomliyeed ee Puntlnd ayaa u ambabaxay deeganka Af-Urur ee Gobolka Bari halkaas oo ay weerar ku qadeen dhawaan dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.
Wafdigaan ayaa waxa ay ka kooban yihiin dhowr Wasiir kuwaas oo ah xubno uu dhawaan u Magacaabay in ay soo qiimeeyaan khasaarihii ka dhashay dagaalkii ka dhacay deegaanka Af-Urur Madxweynaha Maamulka puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas.
Xubnahaan ayaa waxaa ka dhex muuqday Wasiirka amniga Puntland Cabdi xersi Cali Qarjab oo ku labisan dareeska ciidanka milatariga waxayna bilaabi doonaan qiimeynta dhacdadii deegaanka Af-Urur.
Sawiro