Gelinkii dambe ee Maanta ayaa waxaa duleedka Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ka dhacay dagaal xoogan oo u dhexeeyay Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Qeybta 27aad ee ka howlgasha deegaanada Hirshabeelle iyo dagaalamayaasha Al-shabaab.
Dagaalkan ayaa markii hore waxaa uu ka bilowday weerar ay Ciidamada dowladda ku qaadeen deegaanada Yaaqle iyo Shanlow ee hoostaga degmada Balcad,halkaasi oo ay ku sugnaayeen Al-shabaab,waxaana intaasi kadib xigay dagaal saacado badan qaatay oo labada dhinac dhexmaray.
Afhayeenka dowlad Goboleedka Hirshabeelle Daa’uud Xaaji Ciro oo ka hadlay dagaalka ayaa waxaa uu sheegay in dagaalkaaas uu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho dhaawac oo soo gaaray Al-shabaab,isla markaana ay ka qabsadeen dhowr qori ay lahaayeen.
Sidoo kale waxaa uu sheegay Daa’uud Xaaji Ciro in 13 kamid ah Al-shabaab ay ku dileen howlgalkii ka dhacay deegaanada Yaaqle iyo Shanlow ayna kusoo furteen 16 qoray.
Ugu dambeyntii ayuu tilmaamay Afhayeenka dowlad Goboleedka Hirshabeelle in howlgalkan uu qeyb ka yahay qorshaha lagu furaayo wadada Xiriirisa Degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Dhinaca kale war Al-shabaab ay barahooda internet-ka ku qoreen ayaa waxaa ku sheegteen in dagaalkii galabta ay ka dhacay duleedka Balcad ay ku dileen Abaanduulihii Guutada Labaad ee ciidamada dowladda Gaashaanlle dhexe Cali Caliif iyo ku xigeenkiisa,kaasi lagu magacaabo C/Kariim Hilowle.
Sidoo kale Al-shabaab waxaa ay sheegteen inay dileen 11 Askari oo ka tirsan Ciidamada dowladda,isla markaana dagaalka ay ku gubeen 3 gaari oo nooca dagaalka ah.
Hayeeshee ilo madax banaan ayaa Idaacada Dalsan u xaqiijiyay in Abaanduulaha dhaawac uu soo gaaray,kadib markii Qarax miino oo dhulka lagu aasay ay haleeshay Gaari uu la socday ,isla markaana waxaa loo soo qaaday Magaalada Muqdisho si loogu dabiibo xaaladiisa Caafimaad.