Sawiro:Baarlamaanka Galmudug oo aqbalay codsi ka yimid Madaxweynaha Galmudug

Kulan ay Maanta Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ay ku yeesheen Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa waxa ay kaga doodeen in ay ka jawaabaan codsi kaga yimid Madaxweynaha Galmudug Axmed geelle ducaale(Xaaf) kaas oo ahaa in waqti loogu kordhiyo soo magacaabista golihiisa Wasiirada.

Dood dheer kadib xubnaha Baarlamaanka Galmudug ayaa ogolaaday in mudo 75 Cisho ah loogu daro xiliga uu soo magacaabayo golihiisa Wasiirada.

Xildhibaanii ka qeyb galay kulanka ayaa waxa ay ugu baaqeen in uu waqtiga ilaaliyo islamarkaana mudo 75 Cisho gudahadood uu ku magacaabo golihiisa Wasiirada.

Sikasaba Maalinta Beri ah ayaa la filayaa in Magaalada Cadaado lagu Caleemo-saaro Madaxweynaha Galmudug waxaana ka qeybgeli doona Madax kala duwan.

Sawiro