(SAWIRO): Nin u dhashay Uzbekistan oo loo qabtay weerarkii gaariga ee ka dhacay Bartamaha Stocholm,

Eedeysanayaashaasi ayaa la sheegay inay ku lug lahaayeen weerarka gaariga xamuulka la jiirsiiyey dad ku sugnaa Bartamaha caasimadda dalkaasi ee Stocholm.

Afhayeenka Boliska Stocholm, Lars Bystrom ayaa sheegay inay 4 qof ku geeriyootay shilkaasi, halka 15 kalena ku dhaawacmeen.

Afhayeenka Xaiiska Xeer-ilaalinta dalkaasi, Karin Rosander ayaa sheegay in Hal eedeysane loo xiray weerarkaasi ka dhacay Xarunta laga dukaamanaysto  ee Ahlens ee Bartamaha Stocholm, waxaana laga soo qabtay Märsta ee  Waqooyiga Stockholm.

Ra’isul-wasaaraha Sweden, Stefan Lofven ayaa weerarkaasi ku tilmaamay weerar Argagixiso.

Muuqaalo laga so oqaaday goobta uu weerarka gaariga ka dhacay ayaa waxaa ka muuqda Gaari Xamuul oo lagu qaadi jirey Qamriga oo gudaha u galay Xarunta laga dukaamaysto ee Ahlens oo ku dhow yahay goobtii uu falka Is-qarxinta ka dhacay bishii December ee sanndkii 2010-kii.

Shirkadda Qamriga ee Swedish brewery company Spendrups, oo leh gaariga loo deegsaday weeerrka ayaa sheegtay in gariga lag soo xaday mar si ihorreysay oo shalay (Jimco) ahayd.

Boliska waxay kaloo sheegeen in Ninka weerarka geystay uu ka soo jeedo dlk Uzbekistan, kaasi oo muuqaalkiisa laga helay Kamerooyinka Qarsoon ee CCTV Camera.

Sweden tightens borders as police make one arrest after truck attack

©Radio Dalsan