Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud ayaa ka laabashadii maanta ay Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya kaga laabteen go’aankii gurracnaa ee horey ONLF loogu summadeeyay urur argagaxiso.
Waxaana uu sheegay Xasan Sheikh  in ay Soomaaliya kusoo celineyso waddadadii toosnayd ee diblomaasiyadda dhex dhexaadka ah, isagoo xusay in ONLF argagixiso lagu summadeeyo ay muujineysay madaxbannaani la’aanta siyaasaddeena arrimaha dibadda muddooyinkii dambe.
Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble iyo Golehiisa Xukuumadda ayuu madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud ku bogaadiyay go’aankan taariikhiga ah ee ay maanta gaareen.
Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan ay yeesheen maanta waxaa ay ku laaleen tallaadii ururka ONLF loogu aqoonsaday Argagixiso.
Sidoo kale Madaxweynaha Dowlad Degaanka Soomaali Galbeed Mustafe Cagjar ayaa dhankiisa soo dhaweeayay go’aankii Golaha Fulinta ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ay ku buriyeen go’aan hore oo ururka ONLF loogu aqoonsaday inuu yahay urur argagixiso.