(SAWIRO):- Kooxda Abu Sayaaf oo surka ka jartay La-hayste u dhashay Kanada.

Ciiddanka Ammaanka ee dalka Filibiin ayaa sheegay inay Kooxda Abu Sayaaf surka ka jareen La-hayste lagu magacaabi jirey John Ridsdel oo 68-jir ah, kadib, markii Kooxda la siin waayey  Lacag madax-furasho si ay u sii daayaan .

Ra’isul-wasaaraha dalka Kanada, Justin Tarudeu ayaa cambaareeyey falkaasi,wuxuuan sheegay inay Xukuumadiisa kala shaqeynayso Filibiin iyo dalalka kale sidii Dembiilayaasha loo hor-keeni lahaa Sharciga.

Image result for John Ridsdel

Dhinaca kale, Kooxda Abu Sayaaf ee xiriirka la leh Ururka Alqaacida waxay haatan afduub ahaan u haystaan Nin u dhashay Hollan, mid u dhashay Japan, 4 u dhalatay Malaysia iyo 14 Badmaaxiin u dhalatay dalka Indonesia.

Image result for John Ridsdel

©Radio Dalsan