Dowladda Federalka oo mar kale loogu baaqay  inaysan Sharciga Saxaafadda ka dhiganin qalab lagu dhibaateeyo Suxufiyiinta.

Khabiirka madaxa bannaan ee QM ugu qaabilsan Arrimaha Xuquuqda Aadanaha ee Somalia,  Bahame Tom Mularya Nyanduga ayaa mar kale ku celiyey baahida loo qabo in wax laga qabto meel-ka-dhaca lagu sameynayo Suxufiyiinta iyo Warbaahinta Somalia.

Khabiirka oo dhawaan booqasho hal isbuuc ah ku yimid Somalia waxa uu uga digay Dowladda Federalka Somalia inaysan Sharciga Saxaafadda ka dhiganin Qalab ay ugu adeegsato in lagu waxyeeleeyo, laguna caburiyo Suxufiyiinta.

Waxa uu ku tirtirsiiyey in hubaal laga dhigo in la xushmeeyo Xuquuqda Xorriyadda Ra’yiga iyo Hadalka.

Khabiirka waxa kaloo uu Dowladda ugu baaqay in la dhiso Hay’adda Xuquuqda Aadanaha Somalia iyo in si taxadar leh loo eego Sharuucda La-dagaalanka Argagixisadda, isla markaana uu Sharcigaasi ku xad-gudbin Xuquuda Aadanaha ee Asaasiga ah.

Khabiirka madaxa bannaan ee QM ugu qaabilsan Arrimaha Xuquuqda Aadanaha ee Somalia,  Bahame Tom Mularya Nyanduga waxa kale oo uu tilmaamay inuu Taliska Hawlgalka AMISOM kala hadlay doorkooda ku aadan Dhowrista Xuquuqda Aadanaha ee Somalia iyo in lala xisaabtamo Askarta geystay Tacadiyadda ka dhanka ah Xuquuqda Aadanaha.

Waxa uu intaasi ku daray inuu Taliska AMISOM si cad ugala hadlay in baaritaan madax bannaan lagu sameeyo falkii ay Ciiddanka AMISOM dhawaan ku dileen 4 qof oo rayid ah oo ku sugnaa Degaanka Buulo-mareer ee Gobalka Sh/hoose.

Khabiirka  waxa uu soo dhaweeyey qorshaha QM iyo AMISOM ee ay bishan April 26-da ilaa 27-da ku qabanayaan Kulan Hawleed looga hadlayo Dib-u-eegista Fulinta Siyaasadda QM ee Arrimaha Xuquuqda Aadanaha

Dhinaca kale, Khabiirka madaxa bannaan ee QM ugu qaabilsan Arrimaha Xuquuqda Aadanaha ee Somalia,  Bahame Tom Mularya Nyanduga oo u dhashay dalka Tanzania, waxa xilkaasi u soo magacowday Golaha Xuquuqda Aadanaha ee QM bishii May ee sannadkii 2014-kii, si u uDowladda Federalka Somalia uga taageero Horumarinta Awoodaha iyo Taageeradda Farsamadda ee Arrimaha Xuquuqda Aadanaha.

©Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor