• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Tuesday, May 13, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Soomaaliya oo loogu deeqay 1.6 million oo xabbo oo ah tallaalka  COVID-19

Dalsan Editor by Dalsan Editor
August 29, 2022
in Warar, Wararka Idaacadda, XULKA WARARKA
Reading Time: 3 mins read
A A
Soomaaliya oo loogu deeqay 1.6 million oo xabbo oo ah tallaalka  COVID-19
1
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Dawladda Soomaaliya ayaa lasoo gaarsiiyey illaa 1,645,600 oo ah tallaalka xanuunka COVID19 ee Johnson and Johnson (J&J), kaas oo ay ku deeqeen dalalka Sweden iyo Jamhuuriyadda Czech. Dalalkan ayaa deeqda tallaalka ah u soo marsiiyey Soomaaliya, hannaanka qaybinta tallaalka COVID 19 ee COVAX. Illaa haatan tirada shacabka Somaaliya ee dhamaystay labada tallaal ee xanuunka COVID 19 ayaa gaadhaya illaa 2.3 million oo qof, halka in kabadan 1.9 million oo qof ay qaateen qayb ka mida tallaalka.

Warsaxaafadeed lagu baahiyey bogga internetka ee hay’adda UNICEF ayaa lagu sheegay in wasiirka caafimaadka ee Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan Abubakar oo ka hadlayey munaasibadda lagula wareegayey tallaalkan uu u mahadceliyey dalalkii ku deeqay tallaalkan.

“Waxaan jeclaan lahayn inaan u mahadcelinno Dawladaha Sweden iyo Jamhuuriyadda Czech oo gacan naga siisay inaan Soomaalida ka ilaalinno xanuunka COVID-19. Tallaalada aan helnay waxay runtii badbaadinayaan nolosha dad badan” ayuu yiri wasiirka caafimaadku.

Isaga oo hadalkiisa sii raaciyey, inay tallaalkan heleen xilli aad u muhiim ah, maadaama ay dalka ka jirto xaalad abaareed oo aad u daran oo sababtay barakac xooggan, waxaana taasi ay keenaysaa in dadka danyarta ahi u nuglaadaan in xanuunadu ay ku dhici karaan.

Xaaladda abaareed ee ka jirta Soomaaliya ayaa haatan qarka u saaran inay isu rogto macaluul baahsan, waxaana haatan ay abaaruhu saameeyeen illaa 7.7 million oo qof, kuwaas oo u baahan gargaar degdeg ah, halka illaa 1 million oo qof ay ku barakaceen gudaha Soomaaliya.

“Aad ayaan ugu hanweynahay in Sweden ay mar kale muujisay sida ay u garab taagan tahay dadka Soomaaliyeed si ay ula dagaallamaan masiibada Covid-19. Tallaalka gaadhaya illaa 1,360,800 ee ay ku deeqday dawladda Sweden ayaa gacan ka geysanaya in bulsho badan oo Soomaali ah la tallaalo.” Ayuu yidhi Safiirka Sweden ee Soomaaliya, Mudane Per Lindgärde.

Dr Mamunur Rahman Malik, oo ah Wakiilka WHO ee Soomaaliya ayaa yiri, “Guud ahaan shacabka Soomaaliya illaa 15% ayaa si buuxda looga tallaalay COVID-19, halka illaa 12% oo ka mida shacabka Soomaaliya ay qaateen qayb ka mid ah tallaalka. Iyada oo ay si wada jira isu kaashanayaan, xukuumadda, deeqbixiyayaasha iyo daneeyayaasha kaleba, waxaan isticmaalnay habab hal-abuur leh oo saameyn leh si aan u gaadhno dadka aadka u nugul, looga hortago faafitaanka COVID-19″ ayuu yiri.

Dr. Mamunur ayaa sheegay in dawladda Soomaaliya ay u qorshaysan tahay in la tallaalo ugu yaraan 40% shacabka Soomaaliya marka la gaadho dhammaadka sannadkan.

Previous Post

Dhageyso:- Barnamijka Wareegga Wararka 24-Ka Saac Ee Radio Dalsan 28/08/2022

Next Post

Muxuu Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay waxgaradka Puntland?

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

R/Wasaare Xamsa oo la kulmay Wakiilka Midowga Afrika
Warar

R/Wasaare Xamsa oo la kulmay Wakiilka Midowga Afrika

May 13, 2025
Puntland iyo Q.M oo ka wadahadlay Arrimaha Bini’aadinimada iyo Xasilinta.
Warar

Puntland iyo Q.M oo ka wadahadlay Arrimaha Bini’aadinimada iyo Xasilinta.

May 13, 2025
Soomaaliya iyo Azerbaijan oo kala saxiixday heshiis maalgashi beeraha ah
Warar

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo kala saxiixday heshiis maalgashi beeraha ah

May 13, 2025
Maamulka Gobolka Banaadir oo Dadaal Adag Ku Bixiyay Soo Celinta Bilicda Muqdisho
Warar

Maamulka Gobolka Banaadir oo Dadaal Adag Ku Bixiyay Soo Celinta Bilicda Muqdisho

May 13, 2025
Xisbiga Cusub ee Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxda Maamul Goboleedyada oo Lagu Wado in Lagu Dhawaaqo Muqdisho
Warar

Xisbiga Cusub ee Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxda Maamul Goboleedyada oo Lagu Wado in Lagu Dhawaaqo Muqdisho

May 13, 2025
Puntland oo Beesha Caalamka Ka Dalbatay Ka Qaybgal Barnaamijyada Xasilinta Soomaaliya
Warar

Puntland oo Beesha Caalamka Ka Dalbatay Ka Qaybgal Barnaamijyada Xasilinta Soomaaliya

May 13, 2025
Next Post
Muxuu Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay waxgaradka Puntland?

Muxuu Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay waxgaradka Puntland?

Saudi Arabia to Buy $142 Billion in U.S. Weapons as Trump Secures Major Middle East Arms Deals

Saudi Arabia to Buy $142 Billion in U.S. Weapons as Trump Secures Major Middle East Arms Deals

by Liban
May 13, 2025
0

WASHINGTON, D.C. — In a sweeping and controversial move that reshapes U.S. military influence in the Middle East, the White...

R/Wasaare Xamsa oo la kulmay Wakiilka Midowga Afrika

R/Wasaare Xamsa oo la kulmay Wakiilka Midowga Afrika

by Ilhaan
May 13, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ku-simaha Wakiilka Gaarka ah ee Midowga...

Puntland iyo Q.M oo ka wadahadlay Arrimaha Bini’aadinimada iyo Xasilinta.

Puntland iyo Q.M oo ka wadahadlay Arrimaha Bini’aadinimada iyo Xasilinta.

by Ilhaan
May 13, 2025
0

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Puntland, Mudane Ilyaas Cusmaan Lugatoor, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay...

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo kala saxiixday heshiis maalgashi beeraha ah

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo kala saxiixday heshiis maalgashi beeraha ah

by Ilhaan
May 13, 2025
0

 Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa magaalada Baku ku saxiixay...

Saudi Arabia to Buy $142 Billion in U.S. Weapons as Trump Secures Major Middle East Arms Deals
English News

Saudi Arabia to Buy $142 Billion in U.S. Weapons as Trump Secures Major Middle East Arms Deals

May 13, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
R/Wasaare Xamsa oo la kulmay Wakiilka Midowga Afrika
Warar

R/Wasaare Xamsa oo la kulmay Wakiilka Midowga Afrika

May 13, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Puntland iyo Q.M oo ka wadahadlay Arrimaha Bini’aadinimada iyo Xasilinta.
Warar

Puntland iyo Q.M oo ka wadahadlay Arrimaha Bini’aadinimada iyo Xasilinta.

May 13, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Soomaaliya iyo Azerbaijan oo kala saxiixday heshiis maalgashi beeraha ah
Warar

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo kala saxiixday heshiis maalgashi beeraha ah

May 13, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Capital on the Mend: Mogadishu’s Post-Flood Restoration Efforts Gain Momentum
English News

Capital on the Mend: Mogadishu's Post-Flood Restoration Efforts Gain Momentum

May 13, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Maamulka Gobolka Banaadir oo Dadaal Adag Ku Bixiyay Soo Celinta Bilicda Muqdisho
Warar

Maamulka Gobolka Banaadir oo Dadaal Adag Ku Bixiyay Soo Celinta Bilicda Muqdisho

May 13, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Saudi Arabia to Buy $142 Billion in U.S. Weapons as Trump Secures Major Middle East Arms Deals
  • R/Wasaare Xamsa oo la kulmay Wakiilka Midowga Afrika
  • Puntland iyo Q.M oo ka wadahadlay Arrimaha Bini’aadinimada iyo Xasilinta.
  • Soomaaliya iyo Azerbaijan oo kala saxiixday heshiis maalgashi beeraha ah

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00