Sarkaal ka tirsan Boliska Kenya iyo Haween lala xiriirinayo Alshabaab oo la soo maxkamadeyn doono

Taliye-xigeenka Saldhigga Boliska ee Degmadda Kisauni, Walter Obondo ayaa lagu eedeynayaa inuu bixiyey amarkii lagu sii daayey Labo Haween ah oo lala xiriirinayo Alshabaab.

Gabdhahaasi oo lagu kala magacaabo Nasra Nuur iyo Faiza Ali ayaa la sheegay in Xabsiga Saldhiga Boliska Nyali Police Station laga sii daayey maalintii Axadda ee la soo dhaafay, balse gabdhahaasi ayaa dib loo soo xiray maalintii Arbacadda ee la soo dhaafay.

Sarkaalka lagu eedeynayo inuu gabdhahaasi sii daayey ayaa iska fogeeyey Eedeymahaasi, wuxuuna xusay inuu amarkaasi bixiyey Mas’uul ka tirsan Degmadda Kisauni oo lagu magacaabo Joseph Kioko.

Dhinaca kale, Askar ka tirsan Sirdoonka Kenya ayaa la sheegay inay Nasra Nuur iyo Faiza Ali ka soo qabteen , iyagoo ku dhuumaalaysanayo Xaafad ka mid ah Degmadda Nyali.

Nasra Nuur oo 26-jir ah ayaa la sheegay inay ku dhalatay magaalladda Kismaayo ee Gobalka J/hoose, waxaana la rumeysna yahay inay Kenya ka soo gashay Degmadda Libooyi sannadkii 2012-kii.

Sidoo kale, Faiza Ali oo 28-jir ah ayaa sheegtay inay ku dhalatay dalka Ethiopia, waxayna sheegtay in labo isbuuc ka hor ka soo gashay Degmadda Mooyaale.

Wargeyska The Star ee ka soo baxa magaalladda Nairobi, ayaa qoray in Labadaasi gabdhood la soo tagai doono Maxkamadda Shanzu Law Courts, iyagoo ky eedeysan inay si sharci-darro ku joogeen iyo dembi lagula xiriirinayo inay ka tirsan yihiin Alshabaab.