Caali Gacal Casir Gudoomiyaha Baarlamanka dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ka hadlay khilaafkii u dhaxeeyay Madaxda Galmudug iyo aragtidiisa shirka ka furmay dalka Jabuuti.
Cali Gacal ayaa marka hore sheegay in khilaafkii ka dhaxeeyay Madaxda Maamulka  Galmudug xal buuxa laga gaaray isla markaana ay isku ssacab jiideen kadib markii ay wada hadashiisa dowladda dhexe ee Soomaaliya.
Sidoo kale Gudoomiye Cali Gacal ayaa wax laga weeydiiyay Warar ay Warbaahinta qaarkood  sheegeen oo ahaa in uu ka soo horjeestay shirka Jabuuti uga furmay Madaxda Galmudug iyo Ahlusuna waxa uuna yiri.
 “Xaqiiqdii wararka ay baahiyeen idaacadda qaar waa been abuur waan la soconaa jirka ka socda Jabuuti waana talaabo wanaagsan oo aan ogahay waana mid danta reer Galmudug ay ku jirto,Ahlusuna iyo Galmudug dhowr mar ayaa wahadaladooda loo fariistay laakin waxaa la doonayaa in wahadalada hadda furmay in la teegeero ayuu yiri Gudoomiye Cali Gacalâ€
 Hoos Ka Dhageyso Codka Gudoomiye Cali Gacal Casir.