Roob lagu diirsaday oo saakayto ka da’ay Muqdisho.

Abaarihii 07:30 daqiiqo ayaa waxa uu Roob lagu diirsaday ka curtay magaalladda Muqdisho oo dhowrkii bilood ee ugu dambaysay uu ka jiray Kulayl Daran.

Dadka ku nool Muqdisho ayaa u riyaaqay Roobka, waxaana hoos u dhacay Heer-kulkii  Kulaylka ee Habeen iyo Maalin ka jiray Muqdisho.

Qaar ka mid ah Waddooyinka ku yaalla Faras-magaalaha ayuu Roobku biyo dhigay, iyadoo Suuqyadda waa weyn laga dareemayo dhiiqo.

Jawiga Muqdisho waxa uu saakayto u muuqdaa mid qabow ah, waxaana meesha ka baxday Kulaylkii lagu soo nolol qaatay dhowrkii bilood ee la soo dhaafay.

©Radio Dalsan