Rasaas xooggan oo la maqlayo Caasimadda Burkina Faso & waddooyinka oo la xiray

Rasaas xooggan ayaa laga soo sheegayaa caasimadda Burkina Faso ee Ouagadougou, iyadoo ay jiraan warar sheegaya in TV-ga dowladda uu hawada ka baxay.

Wakaalada wararka ee Reuters ayaa ku warantay in rasaasta laga maqlayay xerada ugu weyn ee ciidamada iyo qaar kamid ah xaafadaha caasimada.

Qoraalo badan oo la soo dhigay barta Twitter-ka ayaa muujinaya in ay jiraan dhaqdhaaqyo ciidan, waddooyinka qaarna la xiray.