DEG DEG: Taliye Farxaan Qaroole oo goor dhow Qarax xoogan lagu dilay

Wararka aan ka heleyno deegaanka Basra ee kala qeybiya Gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in goor dhow halkaas uu ka dhacay qarax xoogan oo sababay dhimash iyo dhaawac oo lala eegtay gaadiid ay wateen Ciidamo ka tirsan kuwa Haramcad.

Qaraxa oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ayaa waxaa uu qabsaday gaari uu saarnaa Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Faarax Maxamuud Qaroole, wuxuuna si gaar ah uga dhacay deegaanka Basra oo saaka Al-shabaab lagala wareegay.

Qaraxa ayaa waxaa la xaqiijiyey inuu ku dhintay Taliyihii Ciidanka Booliska Gobolka Farxaan Maxamuud Qaroole, sidoo kalena ay jiraan dhaawacyo soo gaaray Askar ka tirsan Ciidanka sida gaarka u tababaran ee Haramacd.

La soco wixii kusoo kordha warkaan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor