Raisul Wasaare Kheyre”Waxaa bilaawday dhaqan galinta amarkii lagu xadeenayay Gaadiidka Hubeeysan”

Raisul Wasaaraha Dalka Xasan Cali Kheyre ayaa maanta waxa uu sheegay in uu si rasmi ah u bilaawday dhaqan galinta amarkii Golaha Wasiirada kasoo baxay 11-Bishan kaa oo lagu xadeeyay gaadiidka hubeeysan iyo hubka lagu ilaaliyo Mas’uuliyiinta.

Ra’isul Wasaaraha ayaa sheegay in xukuumadiisa aysan ogolaa doonin in Muqdisho lagu heesto qoryaha culus oo magaalada lagu arkayo gadiid ay saaranyihiin ilaalo ku hubeesan qoryaha culus.

Howgal lagu dhaqan galinayo amarkaas ayuu sheegay in maanta ay bilaabeen hey’adaha Amaanka.

Hadalkaas ayuu ka sheegay kulan uu maanta la qaatay qaar kamid ah waxgaradka iyo siyaasiyiinta Somalida kaa oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Halkan ka dhageyso Raisul Wasaare Kheyre: