QM oo ka digtay Iskaashiga Alshabaab iyo Dagaalyahannadda Alqaacidada Yemen (AQAP)

Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, Nicholas Kay ayaa arrintaasi ka sheegay mar uu xalay warbixin siinayey xubnaha Golaha Ammaanka ee QM oo ka arrinsanayey Warbixin uu Ban Ki-moon ka diyaariyey Xaalladda Ammaanka iyo Aadminimadda ee Somalia.

Nicholas Kay oo ku sugan magaalladda Addis Abeba waxa uu Kulankaasi kaga qeybgalay  Nidaamka Wada-sheekeysiga ee via Video conference, wuxuuna 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka warbixin guud ka siiyey horumarka laga gaaray Xaalladda Somalia, Dowlad-wanaaggaiyo cabsida ay Dagaalamayaasha ku hayaan Gobalka, waa sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu ugu baaqay xubnaha Golaha Ammnka ee QM inay si dhow ula socdaan calaamadaha muujinaya Iskaashiga dhow ee ay Dagaalamayaasha Alshabaab ku doonayaan inay raageero kaga heleen dhigooda Alqaacidada Yemen ee AQAP.

Hadalka Nicholas Kay ayaa waxa uu taageerayaa Warbixintii uu Xoghayaha Guud ee QM, Ban Ki-moon shalay u gudbiyey xubnaha Golaha Ammaanka ee QM, oo uu ku sheegay inay Dagaalamayaal fara badan oo ka soo qaxay Yeman ay khatar ku hayaan Ammaanka Somalia iyo dalalka Gobalka, waa sida uu hadalka u dhigay.

Warbaahinta Caalamiga waxay horey u shaaciyeen inay boqolaal Dagaalamayaal Alqaacida ah ku soo milmeen Qaxootiga ka soo cararayo dagaalladda Yemen, waxayna Dagaalamayaashaasi soo gaareen Goballadda Somaliland iyo Puntland.