Haweeney dhashay ilmo ka tan weyn ilmaha caadiga

Haweeney da’ dhexaad ah ayaa dhawaan dhashay cunug uiu miisaankiisu dhamaa 6.3 Kg.

Haweeneydaasi oo u dhalatay dalka Kenya, laguna maagacaabo Caroline Chemutia ayaa la sheegay inay si caadi ah ugu umushay Isbitaalka Kapsokwony ee Gobalka Bungoma.

Umulisada u gargaartay foosha haweenydaasi oo lagu magacaabo Rael Khangoko ayaa sheegtay inay  Hooyaddaasi si caadi ah u umushay cunugga, isla markaana lagu quudiyo cunto caadi ah.

Sayga haweeneyda dhashay ilmahaasi oo lagu magacaabo George Ndiwa ayaa codsaday in loo soo gargaaro, wuxuuna sheegay inuusan filaynin inay xaaskiisa dhasho ilmo aad u culus.

Sayga oo farsameeya Mootooyinka ay Kenyaatiga u yaqaanaan Bodaboda ayaa tilmaamay inuu leeyahay 6 carruur, kuna adag tahay inuu si caadi ah u helo biilkooda.WIIL 2 WIIL YAR

 

Xigasho: The Star

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor