Maxkamad Milliteri oo ay leeyihiin Milliteriga Pakistan waxay maanta Xukun dil ah ku xukuntay Sarkaal ka tirsanaa Sirdoonka Hindiya, kaasi oo lagu helay Basaasinimo iyo Kharbudaad.
Ninkaasi oo lagu magacaabo Kulbushan Jadhav ayaa la xiray Bishii March ee sannadkii hore,wuxuuna taageero iyo maalgelin siin jirey Dhqdhqaaqyadda Argagixisadda ee ka dhaca Gobalka Balojistaan iyo magaalladda Dekedda leh ee Karachi oo ku yalla Koonfurta Pakistan.
Jeneral Qamer Jvad Bajwa oo ka tirsan Milliteriga Pakistan ayaa xaqiijiyey Xukunka dilka ee lagu riday Ninkaasi, balse lama sheegin xilliga la toogan doono.
Dhinaca kale, Milliteriga Pakistan waxay soo bandhigeen Muuqaal Video oo muujinaya falalka lagu soo oogay Eedeysanhaasi.
Dowladda Hindiya waxay beenisay inuu Sarkaalkaasi ahaa Basaas, waxayna Xukunka dilka ee lagu xukumay ku sheegtay Xukun Dil oo la soo qorsheeyey.
©Radio Dalsan