Natiijada Shirkii Istanbul side ayuu ku dhaqan gali karaa hadii Puntland iyo Somaliland ay ganafka ku dhufteen

 

Maalmihii Talaadada iyo Arbacadda ee Isbuucan waxa Shirweyne Caalami ah lagu qabtay magaalladda Istanbul ee dalka Turkiga, kaasi oo ay Dowladda Somalia iyo Ergooyinka Dowladaha Caalamka kaga arrinsanayeen Geeddi-socodka Siyaasadda Soomaaliya, Nidaamka Doorashooyinka iyo Xilliga Kala-guurka Dowladeed.

Xildhibaan Shariif Maxamed Cabddala oo kamid ah mudaneyaasha Baarlamnka Soomaaliya oo lahadlay idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay go,aamada lagu gaaray Istanbul in uu yahay go,aan qaran balse uusan ahayn go’aan heer maamul.

Wuxuuna ku taliyay waqtiga yare e Dawladan u harsan inaan fowdo iyo jahwareer siyaasadeed lagu mashquulin lana ixtiraamo dastuurka heyad waliba oo Dawlada katirsana  shaqadeeda loo madaxbanaaneeyo si waqtiga yar ee  harsan Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed loogu faa,ideeyo.