Wararka aynu ka heleyno gobolka Mudug gaar ahaan degaanka Beyra ayaa ku waramaya in ciiddamada maamulka Puntland ay qabteen gaari nuuciisu uu yahay Waaraad oo ay la socdeen Afar ruux oo looga shakinayo inay katirsanyihiin Al-shabaab.
Madaxda Puntland ma eysan bixin wali faah faahin ku aadan gaarigaas oo ay qabteen ciiddamada maamulka waxaana saraakiisha ciiddamadu ay sheegeen in saacadaha soosocda ay bixin doonaan wararka ku saabsan gaariga waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey oo ay gacanta ku dhigeen Ciiddamadu.
Al-shabaab ayaa weraro iyo qaraxyo ka geesta deegaanada Puntland,waxaana toddobaadkii aanu soo dhaafnay dagaalyahaano katirsan Shabaab ay weerar ku qaadeen hoteel ku yaala magaalada Boosaaso ee gobolka Bari oo ay taganaayeen madax iyo Hay’addo iyadoo uu warerkaasi ka dhashay qasaaro isugu jira dhimasho iyo Dhaawac.