Milliteriga Kenya oo beeniyey in 200 Askari lagu dilay Xeradda Ceel-cadde ee Gobalka Gedo.

Afhayeenka Milliteriga Kenya, Davis Obonyo ayaa gaashaanka ku dhuftay hadal uu Guddoomiyaha Degmadda Garbahaareey, Nuur Buraale ku sheegay in 200 Askari oo Kenyan ah lagu dilay weerarkii ay Alshabaab bishan 15-dii ku qaadeen Xeradda Ceel-cadde ee Gobalka Gedo.

Waxa uu tiradaasi ku tilmaamay Borobogaando, isagoo xusay inay Xerada joogeen 120-Askari, kuwaasi oo uu sheegay in intooda badan la soo badbaadiyey.

Afhayeenka waa uu ka gaabsaday inuu sheego tiradda Askarta Kenya ee lagu dilay Weerarkaasi iyo kuwa weli la la’ yahay.

Toddobaadkii hore, Taliyaha Ciiddanka Kenya, Jeneral Samson Mwathethe ayaa sheegay in la dhisay Guddi Baaritaan oo soo xaqiijiya Tiradda Askarta lagu dilay Weerarkii Alshabaab ee Ceel-cadde.

Alshabaab waxay sheegeen inay boqol Askari oo Kenyan ah ku dileen Weerarkii cuslaa ee ay bishan Janaayo 15-dii ku qaadeen Xeradda Ceel-cadde.

Khubarada Milliteriga ayaa rumeysan inuu Weerarkaasi ahaa kii ugu khasaaraha badnaa ee Ciiddanka Kenya soo gaaro, tan iyo markii ay Ciiddankaasi soo galeen Somalia bishii October ee sannadkii 2011-kii.

©Radio Dalsan