Wasiira Qorsheynta xukuumada Soomaaliya Jamal Maxamed Xasan ahna xildhibaan ka mid ah 275 -ka Xildhibaan ee Barlamaanka Federalka ayaa waxa uu Xafiis loogu adeegayo Bulshada uu ka furay degmada Dhahar ee G/Sanaag oo ah deegaan doorashadiisa.
Xildhibaan Jamal ayaa sheegay in go’aankaasi uu qaatay kadib, markii uu ogaaday inuu Xafiiskan uu bilow muhiim u yahay Dowlad-wanaagga iyo in la abuuro Hoggaan ku salaysan Ficil iyo Isla-xisaabtan Furan.
Waxa uu carrabka ku adkeeyey inuu diyaar u yahay inay la xisaabtaan guud ahaan Ummadda Soomaalida, gaar ahaan Bulshadda deegaan doorashadiisa ee uu ku matalo Barlamaanka Soomaaliya.
Mar uu ka hadlayey Ujeedada uu u furay Xafiiskaasi waxa uu ku nuuxnuuxsaday inuu Xafiiska u adeegayo Bulshadda oo dhan, gaar ahaan Dhallinyarada iyo haweenka deegaanka.
“Waxaan Xafiiskaan ugu tala-galay Jiilka soo korayo in aan isku weydaarsano Fikradaha iyo Horumarinta Mustaqabalkooda inti karaankeyga ahna kana shaqeeyo hormarka iyo waxa ay ku haminayaan”
Xildhibaan Jamaal ayaa loo dhaariyey xilka xildhibaanimo 10 October sanadki hore ee 2018.