Shalay gelinkii dambe ayuu qorshuhu ahaa in ay dhacdo Maxkamadeynta Siyaasi Cabdiraxman Cabdi Shakuur balse ay Maanta dib ugu dhacday,iyada oo waan waan la sameeyay lagu guuleystay in lasiidaayo Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame.
Maanta oo khamiis ah ayaa Maxkamada Gobolka Banaadir ay xeer ilaalinta Qaranka ka sugeysaa in ay keento cadeynta dembiga lagu soo oogay siyaasgiga taas oo Maxkamadu ay u qabatay mudo 24 Saacadood ah.
In kastoo hadana uu xurriyadiisa uu helay Siyaasiga isla markaana ay ka qeyb qaateen siideyntiisa waxgarad uu ka mid yahay Ugaas Maxamuud Cali Ugaas ayaa hadana Maanta la filayaa in Maxkamada gobolka Banaadir la geeyo.
Dadaalo kala duwan ayay sameeyeen qaar ka mid ah Madaxda Maamul goboleedyada dalka ka jira sida Madaxweynaha Galmudug, Madaxweynaha Hir-Shabeelle iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.
Kulamo kala duwan ay yeesheen Xildhibaanada labada Aqal ee ka soo jeeda Beesha Hawiye ayaa horay dowladda looga dalbaday in xal loo helo arrinta Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur halka waxgaradka kale ay iyana ku guuleysteen in lasiidaayo.