Maxkamad ku taalla dalka Britain oo Xukun ku riday Eedeysanayaal Somaali ah

3 Nin oo Somaali ah oo ku nool magaalladda Brimingham ee dalkaasi ayaa lagu soo oogay inay xubno ka yihiin Burcadda ka ganacsata Daroogadda iyo inay kufsi u geystay Haweeney u dhalatay UK.

Eedeysanayaahaasi oo la soo taagay Maxkamad ayaa waxaa magacyadooda lagu kala sheegay  C/raxmaan Abuukar oo 19-jir ah, C/raxmaan Kadiir oo 21-jir ah iyo Ibrahim Maxamed oo 18-jir ah.

Shabakadda Wararka ee Briminghammail ayaa qortay inay Eedeysanayaasha lagu helay inay bishii February 23-dii ee sannadkan ay Toorey ku weerareen Nin lagu magacaabo Joseph Kelly iyo inay Haweeney afduubteen, isla markaana ay wada kufsadeen.

Eedeysanayaasha oo la soo taagay  Maxkamadda Exeter Crown Court ayaa waxaa xukunkooda ku dhawaaqay Garsoore Geoffrey Mercer.

Garsooraha waxa uu Eedeysanayaasha lagu kala magacaabo C/raxmaan Abuukar iyo C/raxmaan Kadiir ku xukumay min 23-sanno, halka Eedeysanaha kale ee Ibrahim Maxamed lagu xukumay 15-sanno oo Xabsi ah.