Dowladda Jabuuti oo martigalineysa shirweynaha IGAD ee ganacsiga geeska Africa looga hadlayo


Qiyaastii wafuud gaareysa 70 ayaa la rajeynayaa in maanta ilaa galabta ay gaaraan wadanka Djibouti, si ay uga qeybgalan shirka xubnaha IGAD ay ugu hadlayaan sanadkan 2015 hormarinta ganacsiga geeska Afrika.

Shirka sanadkan 2015 ayaa waxaa looga hadli doonaa si hal mel la iskugu keeno, ganacsiga iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay ee ka howgala wadamada xubnaha ka ah Ururka IGAD.

Sidoo kale waxaa shirka maaliinta beri xooga lagu saarayaa, fududeynta ganacsiga geeska Africa iyo maalgalintooda.

Shirka sanadkan 2015 ayaa waxaa ka qeybgalaya ururu ganacsi, oo ka socda wadamada Carabta, Asia iyo Yurub.

Shirka ayaa waxaa uu socondoonaa labo maalinta, ayadoona xooga lagu saari doono abuurida jawi ganacsi.

Urur Goboleedka IGAD, ayaa waxaa la aas aasay sanadkii 1996 waxaana xubno ka ah dalalka, Djibouti, Eritrea, Ethiopia, Kenya, Somalia, South Sudan, Sudan and Uganda.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor