Somaliland ayaa xilka qaadis ku sameysay Agaasimihii Waaxda Manaahijta ee Wasaaradda Waxbarashada ka dib eedeymo cuslus oo loo soo jeediyay Agaasimaha, waxaana la sheegay in uu hirgaliyay casharo diinta islaamka ka hor imaanaya, kuwaas oo bulshada Somaliland ay ka xumaadeen.
Wasiirka Waxbarashada Somaliland Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), ayaa xilkii ka qaaday Agaasimihii Waaxda Manaahijta ee Wasaaradda Waxbarashada Cabdillaahi Yaasiin Diiriye, kadib markii qaar kamid ah dugsiyada Somaliland ardayda loogu dhigay casharro ka baxsan Manhajka Somaliland kuwaasi oo ku saabsan diinta kiristaanka.
Ninka xilka laga qaaday ayaa shaqadan soo hayay in ka badan 25 sano, waxaana arrintaan ay wasaradda waxbarshada ay sheegtay in ay sharciga la tiigsan doonto falka uu ku kacay Agaasime Cabdillaahi Yaasiin Diiriye .