Markhaati maxbuus ahaa oo faahfaahin ka bixiyey qaraxyaddii Alshabaab ka geysteen Kampala sannadkii 2010-kii

Maxkamadda Sare ee dalka Uganda ayaa waxa ka soo hor muuqday Maxbuus lagu magacaabo Idris Nasubuga, kaasi oo xabsi 25-sanno ku muteystay isagoo lala xiriiriyey Qaraxyaddii ay Alshabaab ka geysteen Kampala bishii July 11-dii ee sannadkii 2010-kii.

Idris Nasubuga waxa uu shalay Maxkamadda Sare ee Uganda  faahfaahin ka siiyey sida ay isaga iyo saaxiibkiisa kale ee Hussien Hassan Luyima iyo Labada qof ee is-qarxisay ugu lug lahaayeen qaraxyadaasi.

Maxbuuska oo  ku xirnaa Xabsiga Kigo ayaa la sheegay inuu haatan yahay  Markhaati Dowladda ka taageerayo Kiiska loo haysto 13 Eedeysane oo lala xiriirinayo Alshabaab ayaa sheegay inuu aqoon fiican u lahaa Labadii qof ee falalka Is-qarxinta bishii July 11-dii ee sannadkii 2010-kii ka geystay magaalladda Kampala.

Marbuuska ahna Markhaatiga waxa uu sheegay inay labo qof oo u kala dhalatay dalalka Somalia iyo Kenya geysteen labada Isqarxin ee ka dhacay Kampala.

Waxa uu magacyadooda ku soo koobay Kaaka oo u dhashay dalka Kenya iyo Mursalow oo Somali ahaa, waa sida uu hadalka u yiri.

Idris Nasubuga oo ku hadlayey Luqadda Englishka ayaa tilmaamay inay isaga iyo Labada nin ee is-qarxisay guri nabad ah ka kireysteen Kampala ilaa ay ka fuliyeen Falalka Is-qarxinta ee lala beegsdaday dad Ciyaartii Finalka ee Koobka K/cagta ee Adduunka ku daawanaysay  Kyandondo Rugby Club iyo Baarka Ethiopian Village Restaurant  oo ku wada yaalla magaalladda Kampala.

Markhaatiga waxa kaloo uu faahfaahiyey inay labada qof ee fuliyey Is-qarxintaasi ay xirnaayeen suumanka loo adeegsado Is-qarxinta iyo Jaakad weyn si aan loo arkin suumanka ay xirnaayeen, waa sida uu hadalka u yiri.

Markhaatiga waxa kaloo uu Maxkamadda Sare ee Uganda u sheegay inuu Saaxiibkiisa Soomaaliga ee is-qarxiyey, Muralow inay labo boorso nooca lagu qaado Laptop-yadda ka soo buuxiyeen waxyaabaha qarxa,kadibna ay dhigeen miis u dhow halka ay Taageerayaasha ku daawanayey Ciyaartii Finalka ee ay isugu soo hareen Xulalka Spain iyo Holland.

Qaraxaasi ayaa waxa uu dhacay  abaarihii 11:15 daqiiqo ee fiidnimo ee habeenkii ay taariikhdu haayd 11-kii July ee sannadkii 2010-kii.

Ugu dambeyntii Markhaatigu waxa uu farta ku fiiqay mid ka mid ah 13-ka Eedeysane ee lala xiriirinayo Kiiskaasi oo lagu magacaabo Isse Luyima, oo uu xusay inuu yahay ninkii waxyaabaha qarxa keenay gurigiisa, isla markaana baray labadii qof ee fuliyey Is-qarxinta oo ay ku geeriyoodeen in ka badan 76 qof.

Xigasho: The Monitor

© Warqabadka Dalsan Radio