Dhageyso:-Khasaaraha ka dhashay dab xalay ka kacay Suuqa degmada Wadajir+Sawirro

Xalay saqdii dhexe ayaa waxaa dab khasaaro hantiyadeed geystay uu ka kacay Suuqa weyn degmada Wadajir ee Gobolkan Banaadir,waxana dabkaas siweyn looga dareemay uuradiisa Xaafadaha degmadaasi Wadajir.

Mas’uuliyiinta Maamulka degmada Wadajir ayaa waxa ay sheegeen in dabka uu ka bilaawday qeybta qandalka lagu iibiyo ee Suuqa,isla markaana uu ka dhashay koronto.

Guddoomiyaha degmada Wadajir Cumar C/llaahi Xasan ayaa sheegay in ugu dambeyn lagu guuleystay deminta dabkaas,isla markaana ay gurmad weyn u soo sameeyeen Gawaarida Gurmadka Shirkadda Hormuud,Mamulka gobolka Banaadir iyo kan degmada Deeyniile.

Guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga iyo Siyaasada Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax oo booqday Suuqa ayaa sheegay in hay’adaha amniga ay ku guuleysteen inaan la bililiqeysan hantida ka badbaaday dabkaas.

Waxa uu sheegay in dabka uu dhashay koronto,waxaana uu sheegay in ka maamul ahaan ay kala hadli doonaan Shirkadaha korontada,isaga oo u mahad celiyay Maamulka Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud.

Si kastaba mudo laba bilood gudahood ayaa waxaa dab khasaaro hantiyadeed geystay uu ka kacay Suuqa Weyn ee Bakaaraha,Goob Ganacsi oo ku taalla inta u dhaxeysa Isgoysyada Banaadir iyo soobe iyo Goobo kale.

Hoos Ka Dhageyso Codadka mas’uuliyiinta.

Guddoomiyaha degmada Wadajir

Guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga iyo Siyaasada Gobolka Banaadir.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor