Dowladda oo ka hadashay geerida ku timid fannaan Cabdi Qaboojiye 

Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdi Jaamac Caabi “Cabdi Qaboojiye”  oo ka mid ahaa Fanaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku Geeriyooday Magaalada Oslo ee Dalka Norway.

Alle ha u naxariistee Cabdi Jaamac Caabi “Cabdi Qaboojiye”   ayaa u geeriyooday Cudurka Covid-19 oo uu maalmahan la xanuunsanayey.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta ayaa ugu tacsiyeeyey Shacabka Soomaaliyeed , asxaabtii iyo qaraabadii uu ka baxay Fanaanka , isagoo marxuumkana rabi uga baryey naxariistii jano.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor