Madaxweynaha Uganda oo sheegay in Ciidankooda ay kala baxanayaan Soomaaliya

Madaxweynaha Yuganda Yuweri Museveni ayaa sheegay in qorshe xumo ay haysato istiraatiijyada howlgalka AMISOM, taasina ay keentay in dowladdiisu go’aamiso in ciidanka Uganda Soomaaliya ay ka baxaan sannadka danbe.

Madaxweyne  Museveni ayaa sheegay in aanu ciidankiisa la bixi doonin haddii howlgalka AMISOM wax laga badalo qabka uu hada yahay Soomaaliyana loo dhiso ciidamo qaran oo qalabeysan xajina kra amnigooda

Wararka la xiriira Uganda inay ciidankeeda kala baxeyso Somaliya ayaa isasoo tarayay Bilihii u dambeeyay kadib markii mushaar dhimis lagu sameeyay ciidanka ka jooga Soomaaliya

Waana tirada ugu badan Askarta Uganda ee jooga Soomaliya kana mid ah howlgalka Amisom ee qeybta ka ah Dalalka,Burudi,Jabuuti Ithobiya,iyo Keenya

Hadalkan ayuu ka sheegay shir Kampala ka dhacay oo madaxda gobolka ay uga hadleen amniga gobolka, shirkaasi oo sidoo kale uu ka qeybgalay RW Israha Israa,iil Benjamin Netanyahu oo booqanaya Africa.