Waddooyinka qaar ee ku yaalla Magaalada Muqdisho ayaa Maanta waxa ay yihiin kuwa xiran, waxaana meelaha xiran ku sugan ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya.
Waddooyinka soo gala iyo kuwa kabaxa wadada Maka Al-mukarama ayaa kamid ah meelaha sida gaar ah loo xiray, waxaa halkaas loo diidaya inay isticmaalaan gaadiida dadweynaha ay saaran yihiin iyo kuwa gaarka loo leeyahay.
Dad ku sugan Maka Al-mukarama ayaa Dalsan u sheegay in gaadiidka ay ku kala wareegayaan xaafadaha ku teedsan halkaas, iyadoo dadka ay yihiin kuwa Cagtooda maalaya, isla markaan howlahooda shaqo iyo mida waxbarasho intaba lug ku tegaya.
Lama oga sababta loo xiray waddooyinka qaar ee ku yaalla Magaalada Muqdisho, sidoo kalena ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda Federaalka SOomaaliya oo ay uga hadlayaan xirnaasha waddooyinka.
Inta badan Shacabka ku nool Gobolka Banaadir ayaa dhibaatooyin ku qaba xiliyada ay xiran yihiin wadooyinka Magaalada Muqdisho, iyagoona goobahooda Ganacsiga iyo Waxbarashada ku tega Cagtooda.