Madaxweynaha oo ka tacsiyeeyay geeridii Weriye Hindiya Xaaji Maxamed.

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa tacsi u diray qoyskii , eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed, geeridii ku timid Allah u naxariistee Hindiya Xaaji Maxamed oo ka tirsaneyd shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta, oo u geeriyootay dhaawacyo ka soo gaarey qarax gaari.

Madaxweynaha waxa uu Marxuumadda Ilaahay uga baryey inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskii iyo eheladii ay ka tagteyna uu samir iyo iimaan ka siiyo.

weriye HindiyaDhinaca kale, Marxuumadda ayaa ahayd Hooyo korinaysay carruur agoon ah oo uu dhalay Allaha U Naxariistee Weriye Liibaan Cali Nuur oo isaga iyo dhowr Weriye ku geeriyoodeen qarax bishii September ee sannadkii 2012-kii ka dhacay magaalladda Muqdisho.

© Radio Dalsan