DFS oo ka hadashay Lacag uu ugu deeqay Bangigga Aduunka

Dowladda fedraalka ah ee Soomaaliya ayaa ka hadashay lacag uu ugu deeqay Bangigga Aduunka kuwaas oo loogu talagalay in wax looga qabto dhibaatooyinka ka jira Dalka.

Bangigga Adduunka ayaa ugu deeqay Soomaaliya lacag dhan $55 Milyan oo la sheegay in lagu kaabi doono Miisaaniyadda dowladda ee sanadkaan 2020-ka si loosii kordhiyo adegyada dowladda ay u heyso dadweynaha.

Deeqaadaan lacageed ee Bangigga Addunka ayaa kusoo aadeysa xilli dunida uu saameyn dhaqaale ku yeeshay Cudurka Coronavirus si gaar ahna u saameeyay dhaqaalaha Soomaaliya taas oo ka dhigan kaalmo dhaqaale oo Bangiggu ugu talagalay Somalia si ay ugasoo kabsato dhibaatadii maaliyadeed ee gaartay in uu jiray Corona.

Wasiirka maaliyadda Xukuumadda fedraalka Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle oo war ka hadlay lacagta Bangigga Adduunku ugu deeqay Soomaaliya waxa uu sheegay in lacagtaasi ay ku kasbadeen maamul wanaag, isaga oo u mahaceliyey bangiga adduunka.

“Waxa aan aad ugu faraxsanahay in Bangiga Aduunka uu ansixiyay in Soomaaliya la siiyo $55 milyan oo ah Caawimaad loogu talagalay kabka Miisaaniyadda iyadoo lagu guda jiro xili adag, Lacagtaan Deeqda ah waxa aan ku mutaysanay Maamul wanaagga Maaliyadda iyo Hufnaanta dhaqaale ee aan ku talaabsanay Sadexdii Sanadood ee la soo dhaafay” ayuu yiri wasiirka maaliyadda Xukuumadda fedraalka  C/raxmaan Ducaale Beylem oo la hadlay Warbaahinta.

Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ay muhiim tahay in laga fakiro sidii loo kordhin lahaa dakhliga gudaha, iyadoo la kaashanayo shacabka iyo ganacsatada Soomaaliyeed maadaama ay culeysyo badan oo dhaqaale ay ka jiraan dalka.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media