Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta booqday deegaanada gosha oo ay howlgal ka wadaan Ciidamada Jubbaland iyo kuwa xooga Dalka kadib weeraro uga yimid Al-Shabaab.
Madaxweynahu waxaa uu tagay dhamaan deegaanadii ugu danbeeyay ee Al-Shabaab laga saaray isagoo Ciidamada geesiyaasha ah ku booriyay in ay u dhabar adaygaan halganka ay wadanka ku xoraynayaan.
Deeganada uu Madaxweynahu booqday kadib waxaa uu kulan la qaatay Sarakiisha howlgalka hogaaminaysa isagoo amaanay sida ay howsha u wadaan isla markana loo baahan yahay in ay laban laaban howlgalkaas.
Madaxweynaha ayaa sheegay in wax walba oo taakulo ah loo dhamaystiray Ciidamada isla markana hada ay si hagar la’aan ah u gudanayaan howshii loo igmaday waxaana uu ugu baaqay dadka ku nool deeganada laga xoraynayo Al-Shabaab in ay Ciidamada soo dhaweeyaan oo ay garab istaagan.