Ciidamada Amniga oo laba ruux ku toogtay Xaafad ka mid ah Muqdisho

Ciidamada xasilinta oo howlgallo ka waday Xaafado ka tirsan degmada Dharkenley ee gobolkan Banaadir ayaa la sheegay in ay toogteen laba Nin uu hubeysan.

Ciidamada ayaa Xaafada Xoosh ee degamda Dharkenley ka waday howlgalka,waxana intii uu howlgalka socday ay la kulmeen rag hubeysan kuwaas oo falal amnidarro ka waday.

Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in raga hubeysnaa lagu amray in ay hubka dhigaan balse ay diideen sidaasina lagu toogtay.

In kastoo Maamulka degmada Dharkenley asyan weli ka hadlin dilkaas,ayaa hadana waxaa jirtay cabasho ka timid dadka Shacab ka ah oo ku aadaneed in rag ku labisan dareeska ciidanka dowladda ay xilliyada habeenkii ay dadka dhacayaan.

Ciidamada xasilinta ayaa habeen ka hor howlgal waxa ay ka sameeyeen Waaxda saddexaad ee degmadaasi Dharlenley,iyaga oo ku soo qabtay 11 Nin iyo hubkii ay wateen.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media