Madaxweynaha Farmaajo oo Magacaabay Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta u magacaabay Fahad Yaasiin inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

“Waxaan xilka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u magacaabay Mudane Fahad Yaasiin oo ah nin dhallinyaro ah, karti iyo hufnaan aan ku bartay, kana soo dhalaali kara shaqada qaran ee loo igmaday. Waxaan Eebe uga baryayaa inuu masuuliyaddan culus u fududeeyo ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale Madaxweynahu ayaa waxa uu u mahadceliyay Agaasimhii hore Madaxtooyada Mudane Abuukar Daahir Cismaan oo loo yaqano(Baalle)

Magacaabista Fahad Yaasiin ayaa waxay soo afjareysa khilaaf dhanka awooda ahaa oo horay ugu dhaxeeyay Abuukar Baalle iyo ninka ku xigay C/risaaq Shoole oo ah nin awood badan ku leh Madaxtooyada, balse waxaa la ogeyn saameynta kale ay ku yeelan doonto dadkii ku xirnaa ama la safnaa Abuukar Baalle.