Gudoomiyaha Degmada Balcad Maxamed Maxamuud Saney oo Wareysi gaar ah siiyay Radio Dalsan ayaa ka digay in been laga faafiyo wax qabadka Maamulkiisa.
Waxa uu uga digay Guddiga iskaashatada Demadasi iney Warbaahinta ka sheegan Warar aan xaqiiq ahayn.
Gudiga iskaashatada gaadiidleyda Gobolkaasi ayaa ka cabanaya jidgooyooyin fara badan oo ay sheegeen in la soo dhigay inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Balcad.