Ra’isul-wasaasaraha Iraq oo sheegay inay Ciiddankiisa qarka u saaran yihiin dib-u-qabsashada Mosul.

Ra’isul-wasaare  Xaydar Al-cabaadi ayaa sheegay inay Ciiddankiisa ku jiraan marxalladii ugu dambeysay, si ay Kooxda Daacish uga wada saaraan Galbeedka Mosul.

Isagoo saxaafadda kula hadayey magaalladda Baqdaad ayaa ugu baaqay Maleeshiyadda Daacish inay isku soo dhiibaan Ciiddanka Dowladda ama la wada dili doono.

Waxa uu ku baaqay in Qoysaska Kooxda Daacish ee rayidka ah la badbaadiyo, balse lala dagaalamo Maleeshiyadda hubeysan.

Dhinaca kale, Ra’isul-wasaare  Xaydar Al-cabaadi ayaa sheegay inuu isbuuca soo socda u safri doono Marayknka, si uu Mdaxweyne Donald Trump kala soo xaajoodo Arrimaha Dagaalka.

Milliteriga Maraykanka waxay Ciiddanka Iraq ka taageeraan Duqeymaha dhul iyo cir ee lagu hayo Mleeshiyadda Daacish-ta ku sugan Galbeedka Mosul.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media