kulankan maanta ka qabsoomay magalada Baladweyn ee gobolka Hiiraan ayaa waxa uu u dhaxeeyay masuul yiin ka tirsan maamulka Hirshabelle iyo xubno ka socday QM.
dhanaka maamulka Hirshabelle ayaa waxaa hogaaminayay madaxweynaha maamulkaasi Cali C/laahi Cosoble waxaana wehliyay wasiirada qaar ee maamulkaasi .
labada dhinac ayaa waxa ay diirada ku saareen kulan kooda xal ka gaarista qilaafka yar ee soo kala dhaxgalay maamulka Hirshabelle iyo hayadaha hoostaga QM sida UN-ka.
xubnihii ka socday QM ayaa waxa ay balan qaadeen in ay mashaariic hormarineed ay ka fulin doonaan deegaanada maamulkaas sidoo kalana ay booqan doonaan deegaano dhoor ah oo ay kamid ah xarrunta maamulka ee Jowhar.
shaley ayee aheed markii qaar kamid ah wasiirada maamulka Hirshabelle ay ku dhaliileen xafiiska UN-ka ee baladweyn in ay san lashaqeen maamulka isla mar’ahaantaana ugu goodiyeen in laxiri doono dhamaanba xafiiska hadii wada shaqeen layeelan maamulkooda.