Kenya oo sheegatay inay Dagaalyahano Alshabaab ku dileen nawaaxiga Badhaadhe.

Warbaahinta Kenya ayaa maanta qoray inay Ciiddanka Kenya iyo Dagaalyahano Alshabaab shalay ka dagaalameen nawaaxiga magaalladda Badhaadhe ee Gobalka J/Hoose.

Afhayeenka Ciiddanka Kenya, Colonel Joseph Owuoth ayaa u sheegay Warbaahinta inay dagaalkaasi ku dileen 31 Dagaalyahano Alshabaab, kuna dhaawaceen tiro aan la aqoonin, waa sida uu hadalka u yiri.

Waxa uu intaasi ku daray inay Ciiddanka Kenya gubeen 2-Tekno oo ay Alshabaab lahaayen, kadib, markii loo adeegsaday Helikoptaro iyo Madaafiicda Goobta.

Dhinaca kale, Afhayeenka Ciiddanka Kenya, Colonel Joseph Owuoth waxa uu sheegtay inay burburiyeen Saldhigyo Talis iyo kuwo Loojistiko o oay Dagaalamayaasha Alshabaab ku leeyihiin meel 17-KM u jirta Deegaanka Sariira oo u dhow Degmadda Hola Wajeer.

Waxa kale oo uu Saxaafadda u sheegay inay Dagaalka ay la galeen Alshabaab ku soo qabsadeen 11 Qoryaha Fudud ee AK 47, Labo Qoryaha Boobaha, Qalab Isgaarsiin, waxyaabaha qarxa, Labis Ciiddan  iyo rasaas uu cadadeeda ku sheegay 634 xabbo.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Degmadda Badhadhe, Faarax Haybe oo la hadlay BBC-da ayaa beeniyey inay Milliteriga Kenya hawlgal ka fuliyeen Degmadda uu madaxda ka yahay.

Si kastaba ha ahaatee, Ma jiraan warar madax-bannaan oo ay Dadka Deegaanka ku xaqiijinaya sheegashadaasi oo u muuqato  inay qeyb ka tahay Dagaalka Borobogaandada.

©Radio Dalsan