Madaxweyne Farmaajo oo ka laba-labaynaya Shirka Madaxda Carabta ee ka furmayo Urdun.

Madaxweynaha DFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa laga yaabaa inuusan ka qeyb gelin Shirweynaha 28-aad ee Madaxweynayaasha iyo Boqoradda Dowladaha xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta ee la filayo inuu maalinta Arbacadda ee soo socota ka furmo caasimadda dalka Urdun ee Camaan.

Ilo muhiim ah ayaa sheegayo in laga yaabo inuu Madaxweynaha ka baaqdo Kulankaasi sababo la xirira Xiisadda Siyaasadeed ee ka taagan Dhismaha Xukuumadda Federalka.

Ilo-wareedyo ayaa sheegayo inuu Madaxweynuhu rajaynayo in dib loo dhigo Kulanka Xildhibaanadda BFS ee lagu madalsan yahay in maalinta Arbacadda ay Codka Kalsoonida u qaadaan Xukuumadda cusub.

Dhaqdhaqaaqyo Hoose ayaa socda oo lagu doonayo in lagu shiiqiyo Ololaha ka dhanka ah Xukuumadda iyo in dib loo dhigo Shirka Xildhibaanadda ee Kalsooni-siinta Barlamaankaa.

Wararka ayaa sheegayo in laga yaabo in Shirkaasi dib loo dhigo ilaa bisha soo socota ee April 3-da, si Madaxweyne Farmaajo fursad loogu siiyo inuu ka qeyb galo Shirka Madaxda Carabta ee ka furmayo caaasimadda dalka Urdun ee Camaan.

Kulankaasi ayaa looga hadli doonaa Xaalladaha Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo Ammaanka ee dalalka Carbeed ee ay colaadaha ka socdaan sida Somalia, Syria, Iraq, Libya, Yemen iyo Arrimaha Falastiin.

Shirweynaha 28-aad ee Hoggaamiyayaasha Carabta waxa aFarriin loogu diri doonaa dhamaan Dalalka Caalamka oo ku aadan Nabadda iyo Deganaanshaha Dunida iyo sidii Labo Dowladood u kala yeelan lahaayeen Falastiin iyo Yuhuudda.

Dhinaca kale, Boqorka dalka Urdun, Cabdalla Bin Xuseen oo shir-guddoomin doono Kulanka Madaxda Carabta ayaa la filayaa inuu marka uu dhamaado Shirkaasi socdaal ugu ambabaxo Caasimadda dalka Maraykanka ee Washington, oo uu kula kulmi doono Madaxweyne Donald Trump.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media