Magaalada Kismaayo ee xarunta Maamulka Jubbaland waxaa Caawa laga dareemayaa jawi ka duwan sidii xalay,waxana ku sugan ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya xasan cali kheyre iyo inta badan Golihisa Wasiirada.
Amaanka Guud ee Kismaayo ayaa Caawa aad loo adkeeyay,waxana Wado walbo taagan Ciidamada Maamulka Jubbaland kuwaas oo sitaxadir leh u sugaya amniga Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya.
Bulshada Kismaayo ayaa Sanadkan hadalhaya Shirka Golaha Wasiirada ee Beri ka furmaya Magaalada Kismaayo,waxa ayna sheegeen in ay tahay Guul usoo hoyatay Shacabka ku nool Magaalada Kismaayo in ay tahay.
Howlka lagu qabano Shirka Golaha Wasiirada ayaa haatan la diyaariyay iyada oo siq urux badan loo xardhay,waxaana shirkan uu noqon doonaa mid taariikhi ah sida ay dadka qaar aaminsan yihiin