IGAD oo taageero u muujisay Dowladda Somalia iyo Dowladaha ay Ciiddamaddu ka joogaan Somalia

War Murtiyeed ay Urur-gobaleedka IGAD ka soo saareen magaalladda Nairobi ayaa waxay ku sheegeen inay sii wadayaan dadaalkooda ku aadan sidii nabad loogu soo dabaali lahaa dalka Somalia.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay inaysan dadaalladda Nabadda Somali wiiqi doonin weeraraddii iyo Isqarxintii ay Dagaalamayaasha Alshabaab dhawaan ku qaadeen Ciiddanka AMISOM iyo kuwa Dowladda Somalia.

“IGAD waxay mar kale u codeeyeen inay had iyo jeer garab istaagaan Dowladda iyo dadka Soomaaliyeed iyo Dowladaha ciiddamadda ku soo biiriyey Hawlgalka AMISOM ee halganka ugu jira Nabadda iyo Deganaanshaha Somalia” ayaa lagu yiri Qoraalka ka soo baxay Urur-gobaleedka IGAD

Dhanka kale, Qoraalka IGAD waxay ku sheegeen inay Tacsi u dirayaan qoysaska ciiddankii AMISOM ee u geeriyooday iyagoo ku guda-jiray sidii ay nabad iyo deganaansho uga dhalin lahaayeen Somalia.

Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa waxay Jimcihii la soo dhaafay dileen in ka badan 50 Askari oo ka soo jeeda dalka Burundi, kuwaasi oo ku sugnaa Saldhigga AMISOM ku lahaayeen Deegaanka Leego ee Gobalka Sh/hoose.

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor