Haweeney Boolis ah oo Caawa Muqdisho lagu dilay

Fiidnimadii Caawa ayaa Kooxo ku hubeysnaa Bustoolado waxa ay Xaafada Jaamacadaha ee degmada Hodan ku dileen Gabar ka mid aheyd Ciidamada Booliiska

Haweeneydaan ka tirsaneyd Ciidamada Booliiska ayaa sida ay dadka deegaanka waxa ay Magaceeda ku sheegeen Ridwaan Salaad,waxana la sheegay in Haweeneyda lagu dilay Goob ay Shaah ka cabeysay.

Sidoo kale waxaa la sheegay in dadkii ka dambeeyay dilkaas ay goobta ka baxsadeen,waxana gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya kuwaas oo qaaday Meydka Haweeneyda.

Ciidamada dowladda ayaa Goobtii uu dilka ka dhacay ka sameeyay howlgal kooban wallow aysan u suurtagelin in ay Gacanta ku dhigaan dadkii ka dambeeyay dilkaas.