Hal ruux oo ku dhintay Taageerayaal isku dhacay Magaalada Boorama

Wararka ka imaanaya Magaalada Boorama Ee Gobolka Awdal ayaa sheegaya in ugu yaraan uu hal ruux ku dhintay Kadib markii ay isku dhaceen taageerayaal kubada Cagta ah.

Ciyaarta ay rabshada ka dhalatay ayaa u dhaxeysay Gobolada  Awdal iyo Maroodi-jeex Ee Maamulka Somaliland.

Dhowr cisho ka hor Wiil yar ayaa sidan oo kale ugu dhintay Rabshado ka dhashay Ciyaaraha Gobolada Ee Maamulka Somaliland.