Maleeshiyo ka tirsan Kooxda Daacish oo lagu xukumay Baydhabo.

Maxamadda Ciiddamadda Qalabka Sida ee Qeybta 60-aad ee fadhigeeda dhexe ku yaallo magalldda Baydhabo waxay maanta Xukun ku riday 4 Maleeshiyo ka tirsan Kooxda Daacishta Geeska Afrika.

Guddoomiyaha Maxkamadda Qeybta 60-aad ee Ciiddamadda Qalabka Sida, G/le Aadan Abuukar Maxamed ayaa ku dhawaaqay Xukunka lagu riday Eedeysanayaasha maanta la soo gole joojiyey Maxkamadda.

Eedeysanayaasha oo lagu kala magacaabo C/Casiis Xasan Mursal, Mahad Nuur Siidow, Maxamed Sheekh Maxamed iyo Cali Maxamed Gaabow ayaa lagu xukumay min 10-sanno oo Xabsi Ciiddan.

Eedeysanaha Koowaad ayaa lagu sheegay inuu yahay Wakiilka Daacish ee magaalladda Baydhabo, waxayna Maxkamaddu sheegtay inuu yahay Nin gacantiisa ku farsamayn kara waxyaabaha qarxa.

Dhinaca kale, Maxkamaddu waxay sii daysay 3 Eedeysane oo lala xiriirinayey inay ka tirsan yihiin Maleeshiyadda Kooxda Daacish ee loogu talagalay inay qaraxyo iyo dilal ka geystan magaalladda Baydhabo.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor